U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland Oo ka Arrinsaday Doorashooyinka 2016-ka

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan ay sabtidii isugu yimaadeen Baarlmanka Puntland ayey kaga hadleen arrimo la xiriira qaabka doorashada lagu wado sanadkan gudihiisa iney ka dhacdo Soomaaliya, Taas oo horey ay go’aan uga soo saartay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Beesha Caalamkuna ku ayiday, go’aankaas oo ay horey uga biyo diiday Puntland kana soo horjeesatay in Dalka lagu sii wado Nidaamka 4.5.

Fadhigan ayaa waxaa  joogay Dhammaan xubnaha mudaneyaasha Baarlmanka Puntland,waxaana Shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamanka Axmed Cali Xaashi iyo gudiga joogtada ah ee Baarlamanka.

Kulankan oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayaa haddana warar ay heleyso Goobjoog News  sheegaya in Fadhiga xildhibaanada looga hadlay arrinkii ay la hortagi la’haayeen Beesha caalamka oo ku waajahan Puntland dhawaan, iyadoo la filayo iney sii adkeeyaan go’aankii ay ku gaareen in doorashada Soomaaliya ay u dhacdo qaab deegaan ah 28 January.

Puntland ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Wufuud ka socota Beesha Caalamka oo dooneysa iney wax ka bedesho ra’yiga Puntland oo aan la jaan qaadeyn waaqica dhabta ah iyo go’aanka ay isku raaceen Soomaali inteeda badan marka laga reebo Puntland.

Maanta ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka Puntland uu soo saaro go’aano cusub oo warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Goobjoog News