U bood dhigaalka

Baarlamaanka iyo Bankiga Dhexe ee Somaliland oo ka Wadahadalay Lacagaha Been Abuurka ah

Sheeko:Baarlamaanka

Maamulka Bankiga dhexe ee Somaliland iyo golaha wakiilada maamulka oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta golaha ayaa waxay isla meeldhigeen sameynta sharci lagaga hortagayo lacago been abuur ah

Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Somaliland Cabdilaahi Xaaji Jaamac ayaa golaha ka hor jeediyay  sida ay saamaynta taban ee dhaqaale ugu keeni karto lacagaha sharci darradaha ah, isagoo xusay inay ka shaki qabaan in meelo ka tirsan Somaliland laga isticmaalay. taasi oo keenaysa in xeer lagaga hortagaayo ay golaha iyo baanka ay sameeyaan oo ay iska kaashadaan.

Kulankan oo ahaa in guddoomiyuhu xog ka siiyo siday muhiimka u tahay in xeer lagula dagaalamayo  laga sameeyo arrintan lacagaha been abuurka ah ayaa sidoo kale waxay xildhibaanadu soo jeediyeen tallooyin guud oo ay bankiga u soo jeediyeen.

Xildhibaan Axmed Cabdi  ayaa  sheegay in bankiga dhexe looga baahan yahay inay hogaamiyaan siyaasadda dhaqaalaha ee Somaliland isaga oo soo jeediyey inay la dagaalamaan sicir bararka ku yimaadda lacagta iyo miciishadaba isaga oo guddoomiyaha la hadlay xildhibaanku waxa uu yiri, ”Guddoomiye arrintan xeer samaynta waynu ka tashan oo fadhi kale waynu iskaga iman siday aniga talada iga ah ee golahana aan ka codsanaayo balse arrinta dhaliisha idinku ahi waa in maciishadii dalku meel adag marayso in dadkii aanay ogaynba shaqada uu bankigu u hayo madaama aanay noloshoodaba samaayn ku lahayn”.

Fadhigan oo ahaa mid aan caadi ahayn oo ay soo xaadireen 35 xildhibaan waxa shir guddoominayey guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee aqalka Cali Yuusuf Axmed .

Waxaana  loo ballamay fadhi kale oo aan mudaysnayn kaasi oo bankigu horkeeni doono golaaha siyaasadda shaqo ee uu rabo in lacagaha aan sharciga ahayn lagula dagaalmo kaasi oo goluhu ka doodi doonaan inay diidaan, taladoodana ay ku darsan doonaa.

Goobjoog News