U bood dhigaalka

Baarlamaanka Somaliland Oo Ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 30aad

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Somaliland oo Sabtigii fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Hargeysa ayaa meel mariyay Ajandaha kalfadhiga 30aad ee golaha.

Fadhiga waxa ka soo qeyb galay mudanayaal gaaraya 43 xubnood, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Baashe Maxamed Faarax, iyadoo ajandaha mudaneyaasha horyaalla uu ahaa ansixinta ajandaha kalfadhiga 30aad oo horey loogu qeybiyay mudanayaasha si ay uga soo baaraandagaan.

Doodii wax ku kordhinta iyo wax ka dhimista ee xildhibaanada kadib waxaa cod loo qaaday ansixinta kalfadhiga oo cod gacan taag ah la geliyay.

Waxaa ogolaatay 31 mudane, waxaa diiday 6 mudane, waxana ka aamustay 5 xubnood, guddoomiyuhu muu codeyn, waxaana sidaa ku ansaxay ajandaha kalfadhiga 30aad, oo si rasmi ah loo guda geli doono qodobada uu ka kooban yahay maalmaha soo aaddan.

Ajandaha kalfadhiga 30aad ee Golaha wakiilada Somaliland

Ajandaha kalfadhiga 30aad ee xubnaha wakiilada loo qeybiyay waxa uu ka koobnaa illaa 8 qodob oo kala ahaa sidan hoos ku xusan:

-Warbixinta shir guddoonka, Guddiga jogtada ah iyo gudiyada Golaha wakiilada.

-Xogogaal u noqoshada Xaaladda Dalka.

-Mashaariicda Sharci ee Golaha horyaalla oo gaaaraya illaa 11 qabyo qoraal xeer.

-U yeerista Mas’uuliyiinta Xukuumadda.

-Ansixinta Mas’uuliyiinta la magacaabo.

-Xeerarka golaha Guurtida ka soo noqda.

-Xeerarka Madaxweynaha ka soo noqda ee aanuu saxiixin.

-Iyo wixii kale ee soo kordha.

Goobjoog News