U bood dhigaalka

Baarlamaanka Somaliland Oo Maanta Lagu Kala Dareeray

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa waxay isku mari waayeen qodob dastuuri ah oo la doonayay in baarlamaanku wax ka bedel ku sameeyo.

Kulanka ayaa lagu kala dareeray kadib markii xildhibaanada xisbiga Kulmiye oo gaarayay illaa 52 ay ka dareereen xarunta baarlamaanka, halka tirada guud ee baarlamaanku ay tahay 82 xildhibaan.

Xubnaha wakiilada ee shirka ka dareeray ayaa eedayn usoo jeediyay guddoomiyaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo ah hoggaamiyaha xisbiga Waddani, waxayna sheegeen inuu dayacay fursado hore oo xeerkan lagu meel marin kari lahaa, waana sida uu sheegay xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari oo ka tirsan xisbiga Muxaafidka.
Xildhibaanku waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in lagu kadiyay u codeynta qodobka maanta oo ay ahayd in loo sii sheego, waxaanuu yiri ma jirto sabab hadda loogu baahan yahay in qodobkaa wax looga bedelo, maadaama wakhtiga doorashada uu ka harsan yahay muddo sanad ah oo ku filan in doorashada lagu qaban qaabiyo.

Dhanka kale, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo isna ka tirsan xildhibaanada mucaaridka ; ayaa Goobjoog News u sheegay in xisbiga Kulmiye uu ku eedeynayo inuu kala socda, Madaxweynuhu wax uu qaatay qorshaha wax ka bedelka qodobka dastuuriga ah oo ay mucaarid ahaanna hore u qabeen iyagu.
Waxa uu xildhibaanku tilmaamay sababta xildhibaanada Kulmiye ay u diidan yihiin in qodobka wax laga bedelaa uu yahay iney doonayaan muddo kororsi kale oo loo sameeyo xukuumadda iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Maalinta berri ah ayaa loo ballansan yahay kulan kale oo lagaga doodayo meel marinta ama diidmada xeerkan.

Ugu dambeyn; Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa 25 bishii hore waxa uu usoo gudbiyey golaha baarlamaanka codsi ah wax ka bedel xeerka diiwaan gelinta, oo ahaa in markii hore la dhaammeeyo wixii ku saabsan diiwaan gelinta iyo u diyaar garawga doorashada muddo ah lix bilood gudahood ah, halka uu marki hore ahaa in lix bilood ka hor waqtiga doorashada la dhameeyo hawlaha diiwaan gelinta, laakiin madaama ay diiwaan gelintii hakad la geliyey madaxweynuhu waxa uu ka codsaday baarlamaanka in ay wax ka bedelaan qodobkaa dastuuriga ah si looga badbaado dib u dhac kale oo dhanka doorashada ah.

Goobjoog News