U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ay U ahayd 4 sanno Guuradii Ka soo Wareegtay Maalintii Xilka loo Igmaday

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isla soo qaaday waxyaabihii u qabsoomay baarlamaanka mudadii 4 sanno ee uu dhisnaa, iyadoo ay maanta ugu ekayd mudadii baalramaanka 9aad shacabka Soomaaliyeed u egmaday.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha baalramaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana xildhibaanada la hor keenay ajande ka kooban illaa 9 qodob oo ay ku jireen; sanadguurada 4aad ee baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya, hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo qeybinta koobniin warbixinta guud ee hawlqabadka baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya laga soo bilaabo kalfadhigii 1-kalfadhiga 8aad.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa laga hor akhriyay waxqabadkii baarlamaanka mudadii uu dhisnaa ee 4sanno, waxaa laga hadlay dhaxalkii ay kala wareegeen baarlamaankii 8aad ee ka horreeyay iyo dhaxalka  iyo waxqabadka ay uga tagayaan baalramaanka 10aad ee soo aaddan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa golaha u sheegay in wax ka bedelkii dastuurka uu madaxweynuhu soo saxiiayay kaas oo qeexayay in mudada baarlamaanka ay ku ekaanayso marka baarlamaan cusub uu dalku yeesho.

Baarlamaanka Soomaaliya ayay maanta u ahayd 4 sanno guuradii ka soo wareegtay mudada xil hayntooda shaqo, iyadoo ay hadda u muuqato iney sii joogayaan inta baarlamaan cusub uu dalku ka yeelanayo.

Goobjoog News