U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Seddax Sano Jirsaday

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo ay ku beegan tahay 20-ka bisha August 2015 waxaa Seddax Sano Jirsaday baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii laga baxay KMG-kii dalka muddo lagu soo maamulayay.

Seddaxda sano ee Baarlamaanka uu jiray waxyaabo badan ayuu qabtay, inkastoo ay jiraan shaqooyin badan oo looga baahnaa mudadaasi in Baarlamaanka ku qabto aysan suurta gelin.

Mudada uu baarlamaankaan jiray waxaan waxba iska bedalin hogaankiisa sida gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa.

Waxaa la dilay Seddaxdaasi Sano gudaheed xildhibaanno baarlamaanka ka mid ahaa, kuwana dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Maanta oo kale sanadkii 2012-ka waxaa la dhaariyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana baarlamaanka uu bedalay Baarlamaankii KMG ahaa.

Hadaba goor dhaw waxa aynu idiin soo gudbin donnaa, warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay baarlamaanka Soomaaliya iyo waxa aysan qaban mudadaasi.

Goobjoog News