U bood dhigaalka

Bakool: 20 Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka u Geeriyootay

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 ruux ay cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootey deegaanka Buuroole oo hoostaga degmada Waajid ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in cudurkan uu ka dilaacay deegaankaasi, islamarkaana ay sidoo kale la il daran yihiin dad badan.

Waxay sidoo kale dadkan sheegayaan  in cudurkan inuu faafo ay sababtay deegaankaasi oo aan lahayn isbitaal dadka lagu daweeyo.

“Deegaankan malahan xarun caafimaad, waxaa dadkaasi la geeyaa deegaanno kale, balse hadda waxaaba u dhintey dad ku dhow 20, cudurkaan waxa uu xooggiisa socdaa 4-tii maalin ee ugu dambeysay” sidaasi waxaa Goobjoog u sheegay Maxamed Macallin oo kamid ah dadka deegaanka.

Dadka dhintey ee cudurka shuban biyoodka uu soo ritey waxaa u badan carruur, iyadoo dadka dawooyin looga keeno magaalooyin ay kamid yahay magaalada Baydhabo.

Dadka ku dhaqan deegaanka Buuroole ee gobolka Bakool ayaa ka baqaya inuu ka daro cudurka shuban biyoodka maadaama aanu jirin ka hortag.

Goobjoog News