U bood dhigaalka

Balanballe oo lagu qabtay kulan nabadayn ah

Sheeko:War

Kulan looga hadlayay xalinta khilaafaadka iyo sida looga hor tegi karo colaadaha ka dhex dilaaca beelaha walaalaha ayaa ka dhacay  degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud.

Kulankani oo ahaa mid lagu soo af jarayay colaado u dhexeeyay beelo wada dega  Xeraale iyo Balanbal ayaa waxaa ka qayb galay maamulada deegaanadaasi.

Guddoomiyaha Balanbal Hareeri Xasan Barre oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in wax walba oo la kala tabanayo lagu xaliyo sida ugu macquulsan.

Wada hadaladan ayaa yimid kadib markii  falal dil ah ay ka dheceen   meel  u dhaxaysa  Xeraale iyo Balanballe.

Colaadaha salka ku haya aanooyinka qabiil iyo dhul daaqsimeedka ayaa ku soo noq noqday gobolo ka tirsan koofurta iyo bartamaha dalka.