U bood dhigaalka

Bangiga Adduunka 100 Million Ugu Deeqay Dowladda Soomaaliya

Sheeko:Caalamka

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya ugu deeqay $100 Million, taas oo loogu talo galay sii wadista taageerada dadaallada dowladda federalka ay ku doonayso dhameystirka barnaamijka Deyn cafinta iyo kor u qaadista dakhliga dalka, kaas oo lagu gaarayo heerka ugu dambeeyo ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Dhaqaaalahan Bangiga adduunka uu ugu deeqay Soomaaliya ayaa waxa uu taageerayaa dadaalka dawladda iyo sida daah-furnaanta maaliyaddeed iyo kordhinta dakhliga iyada oo loo marayo iswaafajinta nidaamyada customer-ka ee federaalka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dowladda dhexe.

“Hawlgalkani waxa uu kordhin doonaa maaliyadda dawladda si wax looga qabto xaaladda abaarta, iyada oo la sii wadayo dib-u-habaynta horumarka lagu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya,” ayay tiri Kristina Svensson, Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo ka hadlaysay lacagtaan.

Soomaaliya ayaa sida sida Bangiga laga soo xigtay waxaa muddooyinkii dambe wajahaysay saameyn ka dhalatay isbedelka Cimilada,taas oo sababtay 46% bishii June 2022 ay soo fuud saartay cunno yari, taas oo ay sal u tahay abaarta baahsan ee ka kacday iyo dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo caalamka saameeyay.

Bangiga adduunka ayaa Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, wuxuu  ammaanay Soomaaliya inay sii adkaysay xasilloonida dhaqaalaha guud waxayna sii waday ka qaybqaadashada Hindisaha deyn cafinta, kaas oo maraya heer gabaga ah, haddii barnaamijkaas suurto galo ayaa waxaa ay Soomaaliya u horseedaysaa in ay hesho maalgelin caalami ah.

Goobjoog News