U bood dhigaalka

Baraawe iyo Koonfur Galbeed: 13 Kursi oo la dooran doono

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay shaaciyeen doorashada iyo habraaca 13 kursi kuwaas oo  kamid ah golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo maraya heer gabagabo ah, maadama xildhibaannadii ugu badnaa lagu soo doortay magaalada Baydhabo.

Doorashada kuraastaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ah magaalada labaad ee loo asteeyey doorashada golaha shacabka ee xildhibaannada laga soo dooranaayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Guddiga ayaa waxaa uu shaaciyey  in doorashada 13 kursi ay qabdoonto 8 bishaan aan ku jirno.

 

                                                     Halkaan Ka Akhriso habraaca

HOP#165:  Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

HOP#044:  Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Safiya Xasan Nuur.

HOP#161: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Sayid Cali Cabdulqaadir Macalin.

HOP#152: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Cabdullaahi Cumar Abshir.

HOP#016: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Aamina Sheekh Cismaan.

HOP#151: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Cabdullaahi Xuseen Cali (Cabdalla).

HOP#153: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  AHUN Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Cali.

HOP#173: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Cismaan Xaaji Cali.

HOP#150: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Xasan Cismaan Xuseen (Xasan Qoryooley).

HOP#155: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Jawaahir Cadaawe Cabdi.

HOP#080: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Cumar Dalxa .

HOP#250: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Saciid Cabdullaahi.

HOP#160: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Nuur Siidow Baaba.

Goobjoog News