U bood dhigaalka

Barakacayaal ku dhaqan degmada Cabdilcasiis oo la gaarsiiyay raashin afur ah

Sheeko:War

Qoysas dan yar ah oo ku dhaqan degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir ayaa ka faa’iidaystay raashin bisil oo afur iyo casho ah kaasi oo ay bixinaysay Bisha Cas ee dowlada Imaaraadka Carabta si loo quudiyo dadka tabaalaysan ee aan haysan waxay ku afuraan xili lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Ugu horeyn guddoomiyaha degmada Cabdulcasiis Cismaan Muxyadiin Xasan oo madasha ay ka socotay qaybinta raashinka afurka ah ayaa sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan aadna uga mahad celinayaan kaalmadan ka timid Bisha Cas ee dowladda Imaaradka Carabta.

Cismaan Muxyadiin Xasan guddoomiyaha degmada Cabdulcasiis ayaa sidoo kale tilmaamay inay jiraan baahiyo fara badan oo xagga Asaasiga ah, waxaana uu tilmaamay in afurkan la siiyo ilaa 100 qoys oo ah dadka aadka u liito dhaqaalahoodu oo aan iska bixin Karin waxay quutaan.

Maxamed Nuur Cumar oo kamid ah dadka la siinayay raashinka bisil ee afurka ah ayaa isna sidoo kale mahad balaaran u jeediyay Bisha Cas ee Dowlada Isutaga Imaaradka Carabta.

Siday u bilaabay bishan Barakaysan ee Ramadaan ayaa Bisha Cas ee Dowlada Imaaradka Carabta xafiiskeeda caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxay ka wadeen qaybo ka mid ah degmooyinka Gobolla Banaadir bixinta kaalmooyinka iskugu jira raashin bisil iyo mid cayriin ,kaasi oo loo qaybinayay dadka ku dhaqan degmooyinkaas ee tabaalaysan.

IMG_7500 IMG_7494 IMG_7488 IMG_7487 IMG_7506 IMG_7505