U bood dhigaalka

Barnaamijka ‘’DAYN – CAFINTA ‘’ Soomaaliya Oo Wajahaya Caqabad xoog badan haddii …. !!

Sheeko:War

DF ee Soomaaliya geed yar iyo mid weyn bay u fuushay sidii loogu guulaysan lahaa DEYN CAFINTII oo ahayd  lacagihii lagu lahaa intii dagaalka sokeeye dhicin Dawladii Soomaaliya.

DF ee Soomaliya meel fiican bay gaarsiisay waxayna u gudubtay qaybtii ugu dambaysay in dhammaan wixii ‘’Deyn’’  lagu lahaa laga Cafiyo  DF ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hormuuud u ahaa barnaamijka Dayn Cafinta ee xilligan maraya qaybtii seddaxaad.

Dowladda  Farmaajo ee waqtiga uu ka dhammaaday  ayaa la sheegaa in ahmiyad ay siisay taas oo la saadaalinayo in ay qayb ka noqon doonto Ololaha Farmaajo ee haddii uu markale  uu ku dhawaaqo inuu musharrax yahay.

Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaraadda Arrrimaha Dibada ee Dawlada cusub ee Mareykanka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Joe Biden in ay xooga saartay la dagaalanka lacagaha laga musuqo wadamada dunida sedexaad gaar ahaan Qaarada Africa in la baaro  madaxda wadamadaa ee ku tagri fala lacagta shacabka ay matalaan.

Warar aan ka helayno dad xog xogaal u ah oo ku dhow  Wasaaradda Maaliyada iyo Wasaraada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa sheegaya  inuu  bilawday baaritaan musuq maasuq dhowr Madaxweyne, R/Wasaare iyo Wasir Maaliyadeed oo ka soo jeeda Africa, Asia iyo Konfurta iyo Bartamaha Qarada America.

Xogtani waxay sheegaysaa inuu Wasiirka Maaliyadda ee DF ee Soomaaliya ku jiro dadka baaritaanka lagu hayo oo ay bilaabatay Bishii 7aad ee sanadkani.

Su’aasha Meesha taal waxay tahay sidee ayay arrintan ay u saameyn kartaa Dayn Cafinta DF ee Soomaaliya ilaa 2012 ugu soo dagaalamaysay inay ku guulaysato ?

.Maxayse DF ee Soomaaliya ka ogtahay baaritaanka lagu baaritaanka  Wasirka Maaliyadda DF ?.

Dadka ku xeel dheer barnaamijka Dayn Cafinta oo aan arrintani waydiinay waxay sheegayaan in uu dhawaac wayn soo gaari doono barnamijka Dayn Cafinta xitaa haddii lagu waayo wax dambiya Wasirka Maaliyada DF ee Soomaaliya sababtoo ah bay leeyihiin qofkii masuulka ka ahaa ama hayay Furaha khasnada hadiiba lagu tuhmayo inuu ku tagri falay lacagtii shacabka oo la leeyahay daaro buu ka dhistay amba lacag buu meel ku shubtey waxay shaki wayn galinaysaa wadamadii DF ee Soomaaliya Daynta ka Cafinayey .

Dowladda Madaxwaynaha  waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo arrinta Dayn Cafinta ka dhigtay shayga ugu wayn ee doorashada iyo Ololaha  ayay ku noqon doontaa dhabar jab xoogan iyo  fadaxeed , maadama dalka kaalinta kowaad uu kaga jiro wadamada ugu musuq maasuqa badan waxna shaki la galinayaa in la joojin doono  Barnaamijkii Dayn Cafinta.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gaartay marxaladda u qalmidda deyn cafinta ee wadamada fakhriga ah. Soomaaliya ayaa noqoneyso wadankii 37-aad ee caalamka ee gaara heerkaan dayn cafinta.

Dalka oo xilliga uu ku jiro waqti doorasho ayaa la saadalinayaa in si aan sharciga waafaqsayn loo adeegsan karo hantida shacabka ama lagu galo Olole doorasho , taas oo u baahan xilligan inuu wax ka qabto Ra’iisulwasaaraha xil gaarsiinta si loo daba qabto dhibaatada iyo caqabadaha uu wajahayo Barnaamijka Dayn Cafinta .

 Hanad Ali Guled