U bood dhigaalka

Baydhabo: Liiska Doorashada 7 Kursi Oo La Shaaciyay, Akhriso Yaaku Fadhiyo Hadda?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Koonfur galbeed ayaa shaaciyay liiska doorashada 7 kursi oo kami ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta gudiiga uu shaaciyey ayaa kala ah HOP#047, HOP#164, HOP#172, HOP#179, HOP#181, HOP#197 iyo HOP#204, kuraastaan ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu doorto magaalada Baydhabo.

Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#204  waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Macallin Cali Aadan.
2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#197 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan  Cabdifitaax Maxamed Ibraahim.
3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#179 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed Garweyne .
4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#181waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maryan Macalin Isaaq .
5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#172 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cali Caddow Maxamed.

6: Kursiga tirsigiisu ayahay HOP#047 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.

7: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#164 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan Fanax.

<
Goobjoog News