U bood dhigaalka

Beelaha laga tirada badan yahay  oo ka Cabanaya Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Somaliland

Sheeko:Baarlamaanka

Liibaan Ismaaciil Maxamuud oo kamid ah aqoonyahanka beelaha laga tirada badan yahay, isla markaana xubin ka ah guddiga xuquuqul insaanka Somaliland ayaa guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada baarlamaanka Somaaliland uga cabanay cadaalad darro.

Liibaan oo ka qeyb galay kulanka ay maanta soo qaban qaabiyeen guddiga arrimaha gudaha baarlamaanka Somaliland loogana hadlayay Kootada loo qoondeeyay dadka laga tirada badan yahay, ayaa sheegay iney ka cabanayaan qaabkii kulanku u dhacay, isagoo ku dooday in la yareeyey tirada beeshooda uga qaybgashay kulanka oo aad loo koobay iyo dadka kale oo aad uga badnaa.

Waxa uu tilmaamay in loo baahnaa kulan gaar ah oo ka madax banaan  qaybaha kale ee bulshada, si xog ay raalli ka yihiin ay u siiyaaan guddiga, maadaama arrinku yahay mid xasaasi ah, jawaabahana dib loogu celiyo madaxweyne Siilaanyo oo xogta loo geyn doono.

Waxaanu  Liibaan sheegay in Haweenka la siiyey waqti u gaar ah oo Hargeysa guddigu ay kula kulmayaan, waxaana isku qadiyad ah haweenka iyo Beelaha Gabooye  oo xog uruurintu wada khusayso, iyadoo beelaha Gabooye aan dhankooda la siin fursad gaar ah oo ay uga hadlaan danahooda goonida ah.

Liibaan ayaa yiri; ” baqdinta ugu weyne ee aan qabnaa waa in codkeyagu gaari waayo madaxweyne Siilaanyo oo sida aan wax u rabno si ka duwan wax loogu sheego inta badan”.

kulanka oo ay ka qeyb galeen 100 qof oo ka kala socday bulshda qeybeheeda kala duwan,  aqoonyahanka, ardayda ,  haweenka, ururada bulshada iyo afar xubnood oo ka socday  beelaha Gabooye ayaa soo qaban qaabiyay guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada iyo difaaca baaralmaanka Somaliland.

Kulamada noocan oo kale ah ayaa Afartii  bilood ee ugu dambeeyey guddi hoosaadka arrimaha gudaha iyo nabadgalyada ee barlamaanka Somaliland waxay  ka wadeen gobolada, si ay u helaan xog uruurin ku saabsan haweenka iyo beelaha Gabooye in baarlamaanka Somaliland laga siiyo Qoondo gaar ah iyagoo aan tartamin.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Siilaanyo ayaa sanadkii 2012, waxa uu baarlamaanka u soo gudbiyey  codsi ah in xog uruurin laga soo sameeyo in beelaha Gabooye iyo haweenka la siiyo kuraas kooto cayiman ah oo ay ka helaan baarlamaanka Somaliland.

Goobjoog News