U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Soodhoweysay Laalidda Muddo Kordhintii Farmaajo

Sheeko:Baarlamaanka

Beesha caalamka ayaa soo dhaweesay go’aankii maanta golaha shacabka uu  ku laalay hehshiiskii muddo kordhinta labada sano aheyd kaasi oo goluhu u sameeyay Madaxweynihii hore.

 

Safaaradda Mareykanka oo qoraal soo dhigtay Twitter waxaa lagu yiri “Waxaan soo dhoweyneynaa tallaabada ay qaadeen maanta  Farmaajo iyo golaha shacabka. Sidoo kale waxaa soo dhoweyneynaa kaalinta fulineed ee Maxamed Xuseen Rooble ee uu ku leeyahay doorashooyinka Soomaaliya taasi oo waajib ah in loo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan uguna suurtogalnimo ah”.

Midowga Yurub ayaa iska waxaa uu yiri ergeygeeda: “ Midowga Yurub waxa uu soo dhoweynayaa go’aanka golaha shacabka iyo iclaaminta Madaxweyne Farmaajo, ma jirto Shuruud, ma jiro qas iyo xadgudub. Raiisulwasaare Rooble waa inuu iskugu yeeraa dhammaan Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta kale si Soomaaliya hory loogu dhaqaajiyo”.

Dhankiisa Turkiga ayaa qoray “ waxaa soo dhoweneynaa go’aanka Golaha shacabka kaasi oo aan rajeyneyno inuu taageeri doono in la qabto doorashooyin kuwaas oo sal u ah  heshiiskii 17 september, waxaa rajeyneynaa tallabadan ay u adeegi doonto in dib loo bilaabo wadahadllo wax ku ool ah kuwaasi oo u dhaxeeya saamileyda siyaasadeed”.

Goobjoog News