U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo Soo Dhoweysay Baaqii Farmaajo Ee Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyey soo jeedinta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu 14-kii bishan ku dhawaaqay in la qabanayo shir dhexmara madaxda dowladda federaalka, madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyagoo ku sheegay talaabo muhiim ah oo xoojineysa iskaashiga dhinacyada.

Qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ahba in ay ka faa’iideystaan fursaddan, islamarkaana ay ka heshiiyaan arrimaha ay ka mid yihiin doorasho ka dhacda dalka oo dhan.

Qoraalkan ayaa lagu yiri, “Waxaan soo dhoweynaynaa dadaallada joogtada ah ee loo galay wadahadalka, dib-u-heshiisiinta iyo isu-tanaasulka ka dhexeeya madaxda siyaasadeed. Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa baadi-goobka loogu jiro in xal laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed iyadoo aanay rabshado dhicin, lana adeegsanayo garashada xaaladda jirta iyo u-wada-dhamaansho, oo ay ku jirto [arrinta] Jubaland.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku sheegay in uu ku casuumayo madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir in ay ka soo qeyb galaan shirka amniga qaranka kaasi oo looga hadli doono arrimo quseeya amniga iyo doorashooyinka soo socda.

Goobjoog News