U bood dhigaalka

Beesha Caalmka oo War Kasoo Saartay Doorashada Barri

Sheeko:Baarlamaanka

Wakiillada Beesha caalamka ayaa war kasoo saaray doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, oo barri lagu dooran doono magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoo   baaqay u diray xildhibaannada codeynaya oo loogu booriyay in waajibkooda ay u gutaan si dalka iyo dadka dantooda ay ku jirto.

“Iyadoo la joogo habeenka ka horreeya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa, Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wakiillada Beesha Caalamka.

“Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda” ayaa lagu yiri sidoo kale qoraalka wakiillada beesha caalamka.

“War-saxaafadeedka kasoo Beesha Caalamka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray : Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Goobjoog News