U bood dhigaalka

Beledweyne oo looga hadlay dagaalada Deefow

Sheeko:War
0285
Bartamaha Magaalada Beledweyne

Wafdigii dhex dhexaadinta ahaa ee Dowladdu ay u dirtay Gobolka Hiiraan ayaa Beledweyn kulan kula qaatay Odayaasha Beelihii ku Dagaalamay deegaanka Deefoow ee Gobolkaasi.

Wafdigan oo isugujira wasiirro,Xildhibaano ka soojeeda Gobolka Hiiraan iyo Siyaasiyiin ayaa Shalay Galinkii dambe Bilaabay kulamo ay la qaadanayeen dhinacyo kala duwan oo ay kala xaajoonayeen sidii Xabad joojin loo kala dhex dhigi lahaa Maleeshiyo Beeleedka isku haya deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan,

Maanta oo ah Maalintii 2-aad oo wafdigu y ku sugan yihiin Magaalada Beledweyne, wafdigu waxa uu kulan gaar ah oo ay albaabadu u xiran yihiin la leeyahay wufuud Odayaal ah oo ka soo jeeda Qabaa’ilkii dagaalku uu dhexmaray.

Saxaafadda ayaa dibad koog ka ah kulanka waxaana warar laga helayo hoolka uu wada hadalku ka socdo ay sheegayaan in ilaa xilligan uusan jirin wax is af garad ah oo dhex maray dhinacyadii dagaalamay iyo wafdigan dhex dhexaadka ee Dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Odayaal ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa Dowladda ku eedeeyay mas’uuliyadda Dagaallada ka socda deegaanka Deefoow ee Gobolkaasi.

Nabadoon Shuuriye Xusen Xaayoow oo ka mid ah Odayaal Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Beledweyne ayaa isaga oo la hadlaya Goobjoog FM waxa uu sheegay in Dowladdu ay Mas’uul ka tahay wixii ka dhacay deegaanka Deefoow ee Gobolka hiiran.

Nabadoonka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay ku dhawaaqday nidaamna Federaalka xilli dadku aysan Fahamsaneyn Muhiimadda ugu jirto taas oo keentay Dagaal beeleedku inuu dalka ku soo bato.