U bood dhigaalka

Booliiska 14 Oktobar Oo La Wareegay Amniga Muqdisho

Luuliyo 27, 2018

Kulanka Khamiista ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah waxyaabaha la isku raacay waxaa ka mid ahaa in amniga caasimadda Muqdisho lagu wareejiyo ciidamada booliiska 14-ka Oktobar

Goloha wasiirrada ayaa faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo Guutada ciidanka Booliska 14-ka Oktoobar si ay uga qayb qaataan sugidda amniga, iyada oo sidoo kale golohu uu wasaaradda maaliyadda ku war-geliyay in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.

Ciidamadan ayaa badalaya kuwii xasilinta kuwaas oo muddo sanad ah sugayey amniga Muqdisho, lama oga jidka ka duwan kuu hore ee ay qaadi-doonaan qoladan cusub.

Goobjoog News