U bood dhigaalka

Booliiska: Dabley Soo weerartay Saldhigga Karaan Waxay Dileen Shacab iyo Ciidan

Sheeko:Baarlamaanka

Afhayeen maanta u hadlay booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in weerar waxa uu ku sheegay dalbay ay ka geysatay xarunta degmada Kaaraan ay ku dhinteen shacab iyo askar xarunta joogtay

“shalay 23-kii December abbaare sadaxdii galabnnimo waxa ay burccad hubaysani soo weerartay xarunta degmada karaan halkaas ayeyna dileen qof shacab ah iyo laba xubnood oo ciidanka booliska ka tirsan oo lagu kala magacaabi jiray EX Dable Ciise Xasan Cisman iyo Ex Dable Caamir Cabdullahi Xiireey ciidmadan ayaanna shaqo maalmeed koodii qaranka ku jiray, hay’adaha ammaanka ayaana ku daba jira sharcigana ayaana horgeyn doona” sidaa waxaa yiri nin u hadlay booliiska.

Wararka ayaa sheegaya in shalay ay qeybo ka mid ah Kaaraan soo weerareen dad diidan maamulka madaxweyne Farmaajo iyaga oo halkaasi saacado heystay tiiyo markii dambe ay ku baxeen ciidamada dowladda federaalka ah.

Dibadbaxyo rabshado wato ayaa maalmihii tagay ka dhacay bariga magaalada Muqdisho oo ay ku jirto degmada Kaaraan, bannaanbaxyada ayaa lagu diidan yahay guddi doorasho oo keligii uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo ay diideen musharaxiinta.

Goobjoog News