U bood dhigaalka

Booliiska Kenya oo Helay Meydka Guddoomiye Horey Loo Afduubtay

Sheeko:Caalamka

Ciidamada Booliiska wadanka Kenya ayaa sheegay in la helay meydka guddoomiyihii degmada Gumarey oo maalinimadii Jimcaha ay afduubteen Al-shabab, kadib weerar ay ku soo qaadeen saldhiggii  degmada oo gudoonka ka ahaa.

Saraakiisha booliiska Wajeer oo maamul ahaan ay hoostagto degmada ayaa sheegay in la helay meydka Cumar Aadan Buul, waxaana ay xuseen in ay ku soo war galiyeen dad xoolo dhaqato ahaa oo arkay meydka guddoomiyaha.

Booliisku ayaa sidoo kale  sheegay  in guddoomiyaha lagu gowracay meel ka baxsan degmada Gumaray oo meydkiisana laga soo helay deegaanka Khorof Harar Konton, sida ay ku sheegeen waxbixin ay baahiyeen.

Al-shabaab  ayaa maalinimadii jimaha waxaa ay weerar ku qaadeen degmada iyagoo intii weerarka uu socday gacanta ku dhigay guddoomihii degamada Gumarey cumar Aadan Buul, kaas oo maanta meydkiisa la helay.

Goobjoog News