U bood dhigaalka

Booliiska Kenya oo Kala Eryay Dibadbaxyo Looga Soo Horjeedo Qiimaha Maciishadda

Sheeko:Caalamka

Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan mudaaharaadyo ay ku baaqeen mucaaradka, kaasoo socday ku dhawaad laba toddobaad, kaasoo looga soo horjeeday qiimaha maciishada.

Waxaa magaalada caasimadda ah ee Nairobi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay dibadbaxayaal iyo ciidamo ka tirsan booliska, waxaana Dhacdooyinkan lagu arkay falal rabshado wata iyadoo la arkayay taayaro gubanaya.

Kevin Onyango, oo ka mid ah dibadbaxayaasha, ayaa u sheegay wakaalada Anadolu: “Waxaan xaq u leenahay inaan mudaharaad salmi ah sameyno, mana joojin doono ilaa codkeena la maqlo.”

Dad badan oo reer Kenya ah ayaa la daalaa dhacaya nolol maalmeedkooda iyadoo qiimaha maciishada uu sare u sii kacayo, isla markaana uu kor u sii kacayo qiimaha badeecadaha aasaasiga ah.

Dhanka kale, warbaahinta maxalliga ah ayaa tibaaxday in saxafiyiinteeda loo geystay tacadiyo xilliyada ay soo tebinayeen mudaaharaadyada, oo ay ka mid tahay inay weerareen kooxo burcad ah oo ka dhacay qalabkooda.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer soo saartay digniino ay ku sheegtay in dibadbaxyada ay yihiin kuwo sharci darro ah.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha Keithuri Kindiki ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay cadaadis ku saari doonto sharciyo cusub oo lagu xakameynayo mudaaharaadyada, tallaabadaas oo ay dhaleeceeyeen mucaaradka.

Dhankeeda, Wasiirkii hore ee Cadaaladda, Martha Karua, ayaa uga digtay Madaxweynaha Kenya William Ruto inuu ku xad gudbo dastuurka.

Dowladda Kenya ayaa dibadbaxayaasha ku eedeysay in ay isticmaaleen awood xad-dhaaf ah, iyadoo dhanka kale hay’adaha xuquuqul insaanka ay dalbadeen in baaritaan lagu sameeyo weerarrada ka dhanka ah suxufiyiinta.

Waxaa xusid mudan in 20-kii Maarso, qof qeyb ka ahaa mudaaharaadyada la dilay, iyadoo ay xusid nudan tahay in dalka ay wali ka socdaan qalalaasaha ay wadaan taageerayaasha ninka mucaaradka ah Raila Odinga

Goobjoog News