U bood dhigaalka

Booliiska Spain oo Xabsiga Dhigay Sedex Ruux oo Lagu Eedeyay Cunsuriyeynta Vinicius Jr

Sheeko:Caalamka

Booliiska dalka Spain ayaa xabsiga dhigay saddex qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen cunsurinimo ay kula kaceen cayaaryahanka Real Madrid ee Vinicius Jr. Saddexda qof ayaa da’doodu u dhaxaysaa 18 ilaa 21 jir, sida ay booliisku ku sheegeen farriin ay soo dhigeen Twitter-ka.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil, isla markaana madowga ah, ayaa marar badan xilli ciyaareedkan lagula kacay xadgudubyo noocaan oo kale ah. Dhacdadii ugu dambeysay, intii lagu guda jiray ciyaar ka dhacday Valencia, ayaa caro ka dhalisay labada dal ee Spain iyo Brazil.

Ciyaarta ayaa la hakiyay qeybtii labaad iyadoo Vinicius oo xanaaqsan uu garsooraha u sheegay taageerayaasha mucaaradka. Ka dib ciyaarta, oo 22-sano jirkaan markii dambe laga saaray, ayaa yiri: “La Liga waxaa iska leh cunsuriyiinta.”

Madaxweynaha La Liga Javier Tebas ayaa ku jawaabay bartiisa Twitter-ka isaga oo sheegay in Vinicius uusan laba jeer iman kulan looga hadlayo waxa uu “ka qaban karo kiisaska cunsuriyadda”, isaga oo raaciyay: “Ka hor inta aanad dhaleecayn La Liga, waxa aad u baahan tahay in aad naftaada si sax ah u qeexdo. “

Laakiin madaxa xiriirka kubbadda cagta Luis Rubiales ayaa sheegay in kubbada cagta Spain ay leedahay “dhibaato halis ah oo sidoo kale wasakhaysa kooxaha iyo taageera yaasha.” Dowladda Brazil ayaa sheegtay in dhacdadu ay tahay “xaalad kale oo aan la aqbali karin”.

Dacwad oogayaasha Isbaanishka ayaa hadda go’aan ka gaari doona in la sii wado baaritaan dambiyeed iyo in kale. Waxa ay codsatay kulamo deg deg ah oo ay la yeelato wasiirada Isbaanishka, dacwad oogayaasha iyo xiriirka kubada cagta. Horaantii, booliiska Spain ayaa xiray afar qof oo looga shakiyay inay ka soo laalaadiyeen sawirka Vinicius buundada Madrid bishii Janaayo.