U bood dhigaalka

BOOQASHADA THERESA MAY EE AFRIKA: KA DANAYSI MISE KU DANAYSI?

Sheeko:War

Safarka Theresa May ma aha mid sahlan, waxaa ka dambeeya caqliyad ganacsi iyo maslaxad qaran. Taa waxaa xoojinaya qaar ka mida wafdiga la socda oo ka mida 29 ganacsade. Marwo Theresa waxaa u qorshaysan in ay booqato saddex dal: Koonfur Afrika, Nayjeeriya iyo Kenya.

Ka bixiddii midowga Yurub, Ingiriisku wuxuu billaabay in uu xoojiyo xiriirkiisa ganacsi ee uu la leeyahay dunida. Wixii ka dambeeyay loollankii qaboobaa ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Ruushka, qaaradda waxay martigalisay tartan ganacsi oo xoog leh. Gu’gii 2015, ganacsiga (Wadarta dhoofinta iyo soodhoofinta) ee u dhexeeyay Afrika iyo Ingiriiska wuxuu gaaray 28 bilyan, isla gu’gaa dhexdiisa ganacsiga u dhexeeyay Shiinaha iyo Afrika wuxuu gaaray 188 bilyan halka kan Maraykanka iyo Afrika uu ka ahaa 53 bilyan.

 

Shiinaha oo saaxiib dhow la ah qaaradda, Ingiriiska oo hadda soo miirsaday, Maraykanka oo aamusan, midowga Yurub, iyo qaar ka mida dowladaha carbeed iyo Turkiga. Isdiiddooyinkaas dhex yaalla dowladahaas kor ku xusan waxay hoggaamiyaasha Afrika ku abuurtay tallan (Jahwareer) siyaasadeed iyo dhaqaale oo ku aaddan isku dheellitirka danaha isdiiddan.

BOOQASHADEEDA KOONFUR AFRIKA

Ingiriisku, wuxuu ugu horreeyaa dowladaha ka macaasha suuqyada Koonfur Afrika. Sida ay qortay hay’adda ‘War on Want’ boqol iyo koow shirkadood oo ka diiwaangashan sarifka istooka Landhan (London Stock Exchange)-intooda badan laga leeyahay Ingiriiska. Waa iyaga kuwa maamula godadka dahabka soddon iyo toddobada dal ee ka mida dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, waxayna ka macaashayn hal tirilyan oo doollar. (Fiiri Mark Curtis, 2016). Laakiin Theresa May, mar ay hadashay waxay ku andacootay in ujeedka booqashadeeda uu yahay “maalgashi iyo shaqo abuur.” Hadalkani wuxuu xoojiyay maahmaahdii ahayd “qawda maqashii waxna ha u qaban.” Theresa, way hadashay laakiin ficilka ka dambeeya hadalkeeda wuxuu noqon karaa in keliya ganacsatada Ingiriiska ay ka macaashaan suuqyada Koonfur Afrika, Nayjeeriya iyo Kenya.

BOOQASHADEEDA NAYJEERIYA :

Labada dal, Ingiriiska iyo Nayjeeriya waxaa ka dhaxeeya maslaxad ganacsi oo laba dhinac ah, laakiin aan isku dheellitirnayn. Ingiriisku, wuxuu suuqyada Nayjeeriya u dhoofiyaa shidaalka sifaysan, mashiinada warshadaha, khalabka nadaafadda iyo daawooyinka halka Nayjeeriya uu Ingiriisku u iib geeyo saliidda cayriinka ah, shidaal iwm. (Ilo: Uk Trade Statistics. Office for National Statistics). Dhanka kale, Nayjeeriya wuxuu xiriir ganacsi oo xooggan la leedahay dowladaha midowga Yurub balse hadda waxaa u furmay suuqyada Ingiriiska. Dhaqaalyahan Tunji Andrew, wuxuu qabaa in Nayjeeriya ay diiradda saarto suuqyada Yurub intii ay ku sirmi lahayd gacanhaadiska Theresa May.

BOOQASHADEEDA KENYA:

Theresa May, booqashadeeda waxay ku soo gabagabayn doontaa dalka Kenya. Taas oo ka dhigaysa Ra’iisulwasaarihii ugu horreeyay ee booqday dal ku yaalla bariga Afrika soddon sano ka dib. Maslaxadda Theresa May ee kaga xiran Kenya waa sidii ay uga macaashi lahayd dhoofsashada waxsoosaarka beeraha sida ubaxa iwm. Boqolkiiba 17 ubaxa beeraha Kenya waxaa dhoofsada Ingiriiska. Waxyaabaha kale ee Kenya u dhoofiso Ingiriiska waxaa ka mida mashiinada iyo khalabka iskusocodka, kiimiko, mashiinada matoorada, xoolaha iyo khudaarta iwm halka Ingiriisku uu Kenya u dhoofiyo mashiinada matoorada, daawooyinka, baabuurta, basaska, dharka iwm. . (Ilo: Uk Trade Statistics. Office for National Statistics). Kenya waxay ku dadaalaysaa in ay ka dhex dabbaalato loollanka ganacsiga ee ka dhexeeya suuqyada midowga Yurub iyo Ingiriiska iyada oo isla’ekaysiinaysa ganacsigeeda Yurub iyo Ingiriiska-50/50.

Iskusoowadadduub, booqashada Theresa May ee Afrika waa qayb ka mida qorsheheeda ku aaddan in ay abuurto “Duni saaxiib la ah Ingiriiska.” Tani waxay bixinaysaa rejo ku saabsan samaysanka saaxiibtinnimo cusub oo u dhexeeya Afrika iyo Ingiriiska, taas oo keeni karta in si isla’ek ay uga wada macaashaan heshiisyada ganacsi.

Xassan Mudane, Falanqeeye arrimaha Afrika

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

Qoraallada ku soo dir: [email protected]