U bood dhigaalka

Bulshada Rayidka Oo Ku Baaqay In Lasoo Gabagabeeyo Khilaafka Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Ururada Haweenka iyo Bulshada Rayidka ayaa War-muritiyeed ay soo saaren waxaa ay walaac kaga Muujiyeen Khilaafka Daba dheeradey ee Golaha Shacabka ka Dhaxtaagan.

Annaggoo ah Ururrada IIDA, SWDC, SWA, SIDO, SCSC , ururrada Bulshada ee ku ra’yiga ah  iyo inta daneeysa wanaagga Soomaalida ,waxay farriin u dirayaan madaxda Qaranka iyagoo dareensiinaya walwalka ay ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee murugsan.

Waddanku wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo aad u adag haddase wuxuu dalku ku socdaa soo kabsi wanaagsan. Sidaas darteed Ururrada Bulshada isku ra’yiga ee kor ku xusan waxay kula talinayaan madaxda qaranka arrimaha hoos ku qoran:

  1. In loo daneeyo shacabka Soomaliyeed oo ay abaaraha iyo nabadgelyo la’aanta hareeyeen.
  2. In laga fogaado wax kastoo horumarka dimuqaraadiyadda dadka iyo dalka wax yeeli kara.
  3. In madaxda qaranka oo ah kuwa lagu aaminay aayatiinka dalka iyo dadka ay ka soo dhalaalaan doowrkooda, helaanna xal siyasadeed oo uu waddanka ku dego.
  4. In Madaxweynaha oo ah qof aad u daneeyo nabad ku wada noolaashada dadka iyo xasilloonida dalka, ahna ilaaliyaha dastuurka ee aan hore uga codsannay inuu arrintaan si toos ah u soo dhax galo uu sii wado dhexdhexaandinta, guul shacabka u wanaagsanna ka gaaro.
  5. In la soo dhaweeyo lana qaddariyo samawadayaasha ku hoowlan dhexdhexaadinta iyo aslaaxinta xaaladaha cakiran.

Ugu dambeeyntii ururrada waxay ummadda Soomaaliyeed ka dalbayaan, in ay baryada Alle badiyaan, si loo helo xasillooni iyo nabad waarta.