U bood dhigaalka

Cabdi Xaashi: Farmaajo Awooddiisa Kama Mid Ahan Waxkabedelka Awoodaha Dastuuri ah

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalaka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa sheegay inuu Farmaajo xaq u laheyn inuu dib u dhigo wax ka bedelka, dib u eegista iyo meel marinta dastuurka GMG waxaana uu xusan in shaqadaas ay u taallo baarlamaanka labadiisa gole, kaliya madaxweynaha laga rabo markii ay soo gudbiyaan inuu saxiixo, si markaas ka dib loogu qaado afti dadweyne oo lagu meel marinayo dastuurka KMG ah.

Guddoomiyaha oo arrintaas ka hadlaayo ayaa yiri ” Anniga oo ku hadlaayo magaca aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, isla markaana gudana waajibaadkayga ku cad qodobka 7-aad ee xeer hoosaadka aqalkasare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Waxaan halkaan ka cadeynayaa in uu madxweynuhu ku dhaqaaqay  tallaabo halis gelinaysa waajibaadka hey’adaha dastuuriga ee dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo si ula kac ah u sameeyey xadgudubyada qodobada soo socda”

1- Hor istaagid xilgudashada Baarlamaanka federalka Soomaaliya, kaas oo u xilsaaran dib u eegista Ansixinta, wax ka bedelka Dastuurka KMG iyo qabashada afti dadweyne, oo si kama dambeys ah loogu ansixyo Dastuurka KMG.

2- Madaxweynuhu waxaa uu tallaabadaas ku baalmaray habraaca wax kabedelka ee ku qeexan cutubka 15-aad  ee Datuurka KMG. (Xeer-dejinta, waxkabedelidda qodobo dastuuri ah, waa howl xeer dejinta kamana mid ahan awoodaha uu dastuurku u idmaday madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya).

3- Madaxweynuhu waxaa uu ku xadgudbay kalsoonida awoodaha dowladeed ee Xeer-dejinta, Garsoorka iyo Fulinta,  sida ku cad qodobka sedexaad ee dastuurka KMG farqadiisa 4-aad ee dastuurka KMG ah

4-Madaxweynuhu waxaa uu jabiyey awooaha dastuuriga ah ee ku cad qodobka 87-aad, kaas oo xeerinaayo inuu gudanaayo waajibaadkiisa si waafaqsan  dastuurka, islamarkaana uu yahay ilaaliyaha mabaadi’da aas aasiga ah ee dastuurka ay kamid ytahay kala soocidda sedexda awoodood ee dowladda.

Sidaas daraadeed xeerka uu madaxweynuhu soo saaray, waxaa uu baalmarsan yahay dastuurka KMG ah, mana lahan wax raad sharci ah, go’aan kasta oo ku saabsan maareynta, ansixinta iyo dib u eegista dastuurka, waxaa si gaar ah ugu xilsaaran labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya sida ku cad qodobka 63-aad tirsigiisa A iyo qobobka71-aad  ee dastuurka KMG iyo habraaca dastuuriga ah ee ku qeexan ctubka 15-aad ee dastuurka KMG

Hadalka kasoo baxay guddoomiyaha aqalka sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan Farmaajo uu xeer madaxweyne dib ugu dhigay waxkabedelka, dib u eegista iyo meel marinta iyo ansixinta qabyo qoraalka dastuurka, oo muddo ay soo wadeen labada gole ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo muddo xileedka Baarlmaanka 10-aad uu dhammaaday weli lama diyaarin Baarlamaankii 11-aad ee bedeli lahaa.

Goobjoog News