U bood dhigaalka

Cabdi Xaashi oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciida

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda ciida bisha Soonfureed  oo bari looga dabaal degayo caalamul Islaami.

“Wuxuu dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fitriga.Wuxuuna ilaahay uga baryayaa in guud ahaan Umadda Islaamka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed uu ka aqbalo acmaasha wanaagsan iyo cibaadada suuban ee ay bishii Ramadan soo guteen” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Shucuubta muslimka ah ayaa bari u dabaal degaya munaasabadda ciidul Fidriga, waxaana lagu wadaa in caasimadda ay ka dhacdo munaasabado waa wayn oo lagu waynaayo ciida oo sanadkaan ka duwan sanadkii hore oo ay jirtay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada.

Goobjoog News