U bood dhigaalka

Cabdikariim Guuleed oo Nasiib Darro Ku Tilmaamay in Muran La Geliyo Mustaqbalka Ardayda Soomaaliyeed

Sheeko:Waxbarashada

Madaxweynihii ee maamul goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen ayaa maanta ka hadlay khilaafka dhanka waxbarashada ee ka dhaxeeyo wasaaradaha waxbarashada heer federaal iyo maamulka Puntland, waxaana uu ku tilmaamay nasiib darro khilaafkaan mar weliba soo laabta ee labada dhinac u dhaxeeyo ee dhanka shahaadada ah.

Mudane Guuleed oo  qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in dowladda federaalka ay mas’uuliyad ballaaran ay ka saaran tahay dhismaha mustaqbalka ardayda Soomaliyeed, waxaana uu intaas ku daray in laga ay tahay wax laga fiican yahay, in mustaqbalka aradayda dhaanto siyaasadeed lagu dul qabsado aayaha ubaxa dalka

                                                 Halkaan Ka Akhriso  Qoraalka

Waa nasiib daro weyn iyo walaac bulsho iney markale soo noqoto doodda shahaaddada dugsiga sare ee ardeyda Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Puntland.

Muddo badan oo aan ka shaqeynayey arrimaha waxbarashada, waxaan fahmi karaa marxaladda ay ku suganyihiin carruur muddo wax soo baranayey oo muran laga galiyo shahaaddada qalin jabinta iyo xaaladda waalidkii kusoo rafaaday, kuna soo tiir iyo tacab beelay iney heerkaan soo gaarsiiyaan.

Dowladda Federaalka ah masuuliyad ballaaran ayaa ka saaran dhismaha mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed, mana ahan wax maangal ah in dhaanto siyaasadeed lagu dul qabsado aayaha ubaxa dalka.

Waxaa na damqineysa in mar walba xiligaan oo kale laga dooddo arrimaha ardeyda Puntland iyo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Waxey aheyd in qof walba uu masuuliyadiisa qaato, oo arrintaan xal laga gaaro xili hore inta aanu imtixaanku imaanin, maadaama lasii ogaa.

Dhibaato walba oo soo gaarta mustaqbalka caruurtaas, sida iney waxbarashada ka niyad jabaan, iney naceyb u qaadaan Dowladnimada iyo ku dhaqanka go’aanno khalafsan oo xaga caafimaadka ah waxaa masuuliyaddeeda qaadan doonta cid walba oo si toos ah iyo si dadban u hor istaagta xaqiijinta halgankooddii koowaad ee nolasha.

Waxaan uga baaqaya Dowladda Federaalka ah iyo Puntland iney badbaadiyaan rajada iyo aayaha ardadaas oo ay hab tanaasul ah ku xaliyaan doodda sannadkaan, wixii sanadkaan ka dambeeyana waa in arrintaan jiho maangal ah oo isla ogol ah loo dhigaa.

Goobjoog News