U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Xilka Wasaaradda Maaliyadda Laga Wareejiyay

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre  ayaa maanta goobjoog ka ahaa halka ay ka dhacday munaasab kooban oo xilalka ay kula kala wareegeen wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federalka   Mudane Cilmi Maxamed Nuur iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu qabtay wasiirkii hore ee Maaliyadda, gaar ahaan horumarinta dhanka  dhaqaalaha iyo arrimaha dayn cafinta. isagoo u rajeeyey wasiirka xilka la wareegay in uu si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisulwasaare  Xamse ayaa tilmaamay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda in uu yahay shaqsi aqoon u leh arrimaha maaliyadda, wasaaraddiisuna ay tahay ishii ay eeganayeen hay’adaha kale ee dowladda, loogana baahan yahay in wasaarad lagu daydo noqoto wasaaraddiisa.
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa dhowr jeer uu Baarlamaanka horyimid waxaa wax laga weydiiyay xisaab xirka aan sanado la sameynin, kaas oo Baarlamaankii 10-aad aan lagu soo celin, isaguna ku guuldareystay inuu wasiirka uu golaha soo hortaajiyo si loo weydiiso su’aalo badan oo ku qoto.
Goobjoog News