U bood dhigaalka

Cabdullahi Xasan Sulaymaan Baliil “Daawasho La’aan Ayaa Ka Jirta Horyaalka Soomaaliya ”

Sheeko:Cayaaraha

Horyaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku yimid hoos dhac dhinaca daawashada kamana qeyb galaan taageerayaasha kooxaha kubbadda cagta,inkastoo ay jiraan kuwa yar oo taga garoomada Eng.Yariisow ee degmada Cabdicasiis iyo garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Hada Fanqeeyaasha ciyaaraha ayaa sababo badan ku fasiray arintaa,iyagoo sheegay in mas’uuliyada darada daawasho la’aanta horyaalka ay qeyb ka yihiin madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya.

“2014 horyaaalka dalka si weyn ayaa loo daawan jiray,balse wixii ka danbeeyay waxaa ku yimid hoos u dhac weyn mana jiraan waxa keenay arinkan maadama loo baahnaa in Xiririka ay ka shaqeyaan horomarinta iyo kur u qaadida daawashada horyaaalka oo ah kan ugu kubbadda cagta Soomaaliya”ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Xasan Suleymaan Baliil oo ah qoraa iyo Barnaamija soo saari ee idaacada ciyaaraha Gool FM

Tartanka sanadaha ee kubbadda cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo ciyaaraha maamul Goboleeedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ah kuwu aad loo daawado si weyn ay taageerayaasha ugu qeyb galaan marka ay dhacayaan,balse su’aasha is waydiinta mudan waxa ay tahay ma agaasinka taryamadaas ayaa ka wanaagsan kan xiriirka kubbadda cagta mise daawasho la’aanta horyaalka Soomaaliya waa loogu talagalay

“Madaxda Xiriirka waan in ay la yimaadaan qorshe horomarineyd waxa ka badalna ay ku sameeyaan heerka daawasho la’aanta horyaalka,balse ani ahaan waxaan soo jeedin lahaa in kooxaha ka dhisan degmooyinka Muqdisho la hoo geeyo maamulada Gobolka Baandir,si ay u helaan dhaqaale iyo taageero horomarinta ciyaartooyda iyo kooxahaba” ayuu Goobjoog ugu waramay falanqeeye Maxamed Cabdullahi Axmed Digarey oo ah madaxda Barnaamiyada Idaacada isboortiga Gool FM

Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Daawasho La’aanta Horyaalka Soomaaliya

https://www.facebook.com/GoobjoogNewsTV/videos/681205729368225/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle