U bood dhigaalka

Cabduqaadir Gaafow oo Mar Kale Loo Doortay Aqalka Hoose ee BFS

Sheeko:Baarlamaanka

Doorasho ku celin ahayd oo maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho ayaa waxaa mar kale ku soo baxay Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud.

Cabduqaadir ayaa ku guuleystay codod gaaraya 50 cod, cododkii guud ee ergada oo gaaraya illaa 50, halka Zakariye Maxamed Cosoble aanuu helin wax cod ah, ka dib markii uu ka tanaasulay doorashada oo ka dhacaysay xarunta guddiga doorashooyinka ee Muqdisho.

Kursigan oo ka mid ahaa kuraastii Galmudug ayaa guddiga doorashooyinku ay sheegeen in sababta Muqdisho loo keenay ay tahay kor joogtada beesha caalamaka oo aaney u soorogelayn iney xaadiraan goobaha qaar.

Kursiga doorashadiisu ay dhacday ayaa ka mid ah 5 kursi oo  horey ay u laaleen guddiga khilaafaadka doorashooyinka heer federaal, golihii madasha qarankuna ay  amreen in doorashadiisa dib loogu noqdo.

Goobjoog News