U bood dhigaalka

Cadaado: Doorashada Aqalka Hoose Oo Socota

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada aqalka hoose ayaa maanta ka mar kale dib uga billaabatay magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Maanta waxaa la doorayaa wax ka badan labo kursi sida ay sheegayaan wararka laga helayo hoolka Cadaado ee doorashada.

Ergada labo kuraas ayaa iminka fadhisa hoolka doorashada ee Cadaado waxaana la soo gebagebeynayaa codeynta kursiga koowaad.

Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka ayaa maalmahan ka socotay magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News