U bood dhigaalka

Cadaado: Senator Abshir Bukhaari Oo Iskuul U Furay Barakacayaal Waxbarasho La’aan Ah

Sheeko:Dalka, War

 Senator Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) ayaa maanta barakacayaal ku sugan galbeedka Cadaado u furey Iskuul ay caruurta wax ku bartaan.

xarigjar
Abshir Bukhaari Oo Xariga ka jaraya Maandeeq Academy

In ka badan 200 oo ardey ayaa loo diwaangeliyay in ay wax ku dhigtaan Iskuulka Maandeeq Academy oo ka kooban 3 fasal, waa iskuulka keliya ee goobta Kaam-ka ku yaallo.

Mishaarka Macalimiinta oo  5 ah, ardeyda waxbarashooda, buugaagta iyo dhar intaba waxaa gacan ka geystay Senetor Abshir Bukhaari.

Abshir Bukhaari Oo Caruurta gacan-qaadaya
Abshir Bukhaari Oo Caruurta gacan-qaadaya

Iskuulka Maandeeq Academy waxaa laga furay Kaamka Badbaado oo ku yaallo Galbeedka magaalada Cadaado, waxaana hal ku-dheg looga dhigey “Hogaamiyeyashii berito ayaa halkan wax ku barto”

Ha- ku-dhegga Iskuul
Ha- ku-dhegga Iskuul

Abshir Maxamed(Bukhaari) oo sidoo kale biyo geliyay goobta, waxaa uu caruur agoon ah u ballan-qaadey in uu guri u dhisi doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

October 20, 2016: Mar uu Booqasho ku tagey xerada, waxaa uu Bukhaari ballan-qaadey in xerada u dhiso dugsi qur’aan iyo Iskuul ay caruurta wax ku bartaan, tiiyoo uu maanta fuliyay.

kuAbshir Maxamed Axmed, waa senator-kii ugu horeeyay ee Soomaaliya lagu doorto, isagoo ka mid ah Senetoradda Galmudug u matala aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Goobjoog News,