Cali Khaliif Galayr oo iska casilay xilkii uu ka hayay barlamaanka Soomaaliya

Cali Khaliif Galayr
Cali Khaliif Galayr

Madaxwaynaha dhowaan loo doortay inuu hogaamiyo maamulka Khaatumo mudane Cali Khaliif Galayr oo mar dalka ka soo noqda ra’iisal wasaare, imikana ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xubinnimadiisa baarlamaanka dalka.

Galayr ayaa u sheegay Goobjoog FM  inuu ka tanaasulay shaqadii uu u hayay baarlamaanka federaalka Soomaaliya maadaama uu maalinnimadii khamiistii ee la soo dhaafay ku guuleystay xilka madaxweynenimo ee maamulka Khaatumo.

Waxa uu ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya in ay aqoonsi buuxa siiyaan maamulka Khaatumo. Cali Khaliif ayaa sidoo kale tlmaamay in uu xiriirka u jari doono dowladda Soomaaliya hadii aysan aqoonsan maamulka uu madaxda ka yahay.

Maamulka Khaatumo ayaa kol hore waxaa aqoonsaday madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, walow uu goor dambe kala laabtay aqoonsiga.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaadatay nidaamka federaalka ee qeexaya in maamul goboleedyo ay ka hir galaan dalka.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW