U bood dhigaalka

Caqabadaha ku Xeeran Hirgalinta Heshiiska 27 May 2021

Sheeko:War

Waxaa Muqdisho lagu saxiixay heshiis lagu dhameeyay khilaafkii ka dhashay fulinta
heshiiskii 17 September 2020, si loo saxiixo heshiiskaan waxaa lagu balamay shir ay ahayd in uu furmo 8:00 subaxnimo laakiin taa badalkeeda furmay ku dhawaad 3:50 galabnimo, sababta dib u dhaca keentay ayaa ah in xiritaanka shirka la madlay iyada oo aan la turxaan bixin dhamaan caqabadihii jiray. Tani waxa ay tusaale u tahay sida aan si dhab ah loogu lafagurin dhamaan caqabadaha jira iyo sida aan diyaarka loogu hayan in wax kasta si dhab ah loo turxaan bixiyo.
Fulinta heshiiska la saxiixay waxaa uu wajihi karaa caqabdo keeni kara in uu turaanturoodo waxaana ka mid ah caqabadahaas:
1. Niyad sami la’aan :
Dhaqan galinta heshiiski 17 September caqabadda ugu wayn ee uu wajahay waxaa lagu tilmaami karaa in ay meesha ka baxday niyad samidi dhinacyada dhexdooda ahayd iyo in aanay jirin daacadnimo keeni kartay dhaqan galinta heshiiska waana sababta keentay in uu dhaqan gali waayo. Heshiiska 27 May miro dhalkiisa waxaa asaas u ah daacadnimo iyo niyad wanaag, waana mid saaran dhamaan dhinacyada siyaasadda oo ay ugu horeeyaan
saxiixayaasha heshiiska, sababtoo ah waxa ay sal u tahay fulintiisa.
2. Labadada deegaan doorasho:
oo ah arrin aad u adag in la dhaqan galiyo una baahan dadaal iyo hawl adag sababo la xariira:
2.1 Amniga : Magaalooyinka qaar amnigooda maahan mid laysku halayn karo,
stusaale magaalada Baraawe dhinac kasta waxaa ka xiga shabaab marka laga reebo dhanka Badda sida kaliya ee lagu gaari karana waa in la adeegsado Doon ama Diyaarad, diyaaraduhuna waxa ay tagaan isbuuciiba labo mar, inta aanay soo
daginna ciidamo badan ayaa lagu daadiyaa dhul qiyaasti ah 8 Km oo is ku weer
ah, si looga hartago in la beegsado diyaaradaha, taas oo ah mid aan sahlanayn
marka la eego is ku socodka oo aad u kordhaya maalmaha ay doorashadu
qabsoomayso iyo ka horba.
2.2 Siyaasadda : Gedo iyo Balad-weyne, siyaasad ahaan waxaa ka jira culays, arrinta
Balad-weyne heshiiskaba laguma xusin, halka midda Gedo la xusay in guddi ka
kooban Dawladaha Xubnaha ka ah federaalka oo aanay ku jirin Jubaland
ay xalinayaan muddo 30 casho ah, marka la eego culasyka arrintaan iyo kalsooni
dirada jirta maahan mid sahlan in muddadaas looga farxasho, iyada oo la ogyahay in Garba-haaray ay gacanta ku hayaan xoogag aan hoos tagin maamulka

Jubaland, iyada oo ay doorashada maamulyaan Guddi uu soo magacaabayo
Madaxwaynaha Jubaland .
2.3 Dhaqaalaha : Qarashka ku baxaya doorashada waxaa lagu qiyaasay $40 Milyan,
dawladda Soomaaliya waxa ay bixinaysaa 10% oo u dhiganta 4 Milyan, dhaqaale
ahaan qarashka ku baxayo in doorashada lagu qabto labo magaalo maahan mid
sahlan wasiirka maaliyadda ayaa horay u sheegay in dhaqaalo ahaan wadanku
sagxadda yaalo, taas oo muujinaysa culayska dhaqaale ee jira iyo sida ay tahay in
wax loo beeqaamiyo.
3. Tirada ergada :
Tirada dooranaysa xildhibaan kasta kordhinteeda waxa ay caqab ku tahay hirgalinta heshiiskaan, sababtoo ah ergadii 2016 waxa ay wajaheen culays xagga amniga ah, oo ay qaar ka mid ah ku waayeen noloshooda, walina way taagan tahay caqabadaasi, waana muhim in aan dhibka la siyaadin haddii aan la xalin karin, iyada oo taa la og yahay in ergada la laba jibaaro waa arrin culayskeeda leh.
4. Xulista ergada :
Soo xulista ergada waxaa ka wada shaqaynaya odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka, qaabka ay u wada shaqeeynayaan kaalinta bulshada rayidka, midda dawladaha xubnaha ka ah federaalka iyo tan guddiyada farsamo lama
caddayn, lamana sheegin kaalinta jiho kasta, waana mid caqabad ku noqon karta fulinta
heshiiska ugu yaraanna abuuri karta ku takri fal iyo gacan toogaalaysi.
5. Guddiyada Maamulka Doorashooyinka :
Heshiiskaan waxaa lagu xusay in laga saarayo guddiyada cid kasta oo cabasho laga qabo ka dib marka uu qiimeeyo Ra’iisal-wasaaraha iyada oo aan la sheegin halbeega lagu dhisayo.

Magacaabista guddiyadii doorashada ee la xusay in wax laga badalayo, waxa ay ahaayeen caqabadihii ugu horeeyay ee uu wajaho heshiiskii 17 September, natiijada ka dhalatayna waa in la dhiso Madashada Midawga Murashaxiinta.
6. Muddada Hirgalinta Doorashada :
Sida ku cad heshiiska doorashada waa in doorashadu ku dhacdo 60 casho gudahood, waqtiga sidaa u kooban labo deegana in laga hirgaliyo doorasho ma ahan arrin maan gal ah marka la eego tirada guddiyada farsamada, xalinta khilaafka ka imanya qaybinta ergada, diyaarinta.

ciidamo suga amniga goobaha doorashada iyo magaalooyinka qaar oo aan u diyaar sanayn in lagu qabto hawl leh xadigaan oo kale.

Guddiyada hirgalinayo doorashada qaarkood aan wali la magacaabin, suuragalna ay tahay in aanay la hayn khibrad hore oo la xariirta doorasho is waydiintu waxa ay tahay muddadaan ma ku filan tahay in la tababaro kadibna ay qabtaan hawsha loo idmaday.
Heshiiska oo wajahayo caqabado badan, sida arrinta gado iyo Balad-Wayne, abuuridda
kalsooni dhinacyada dhexdooda ah, helista qarashka ku baxayo doorashada oo intiisa badan laga sugayo gacan shisheeye, ilaalinta qoondada haweenka.
Dhamaan arrimhaasi oo dhami waxa ay muujinayaan doorashada in lagu dhaqan galiyo muddo 60 casho ah, in aany ahayn mid ka tarjumaysa xaqiiqda jirta, waxa ayna tusaalayn u tahay in aan muddada Fulinta heshiiska lagu dhisin waxa jira.
7. Arrinta Soomaaliland :
Waxa ay caqab ku ahayd hirgalinta heshiiska 17 September, waana midda keentay in saacado
uu dib u dhaco saxiixa heshiiska 27 May, qayb ka mid ah guddiyada maamulayo hirgalinta doorashada Soomaaliland waxaa soo magacaabayo Ra’iisal-Wasaaraha in xubnahaasi lagu kalsoonaado waxa ay u muuqan kartaa caqabad si dhab ah u wajihi karta fulinta heshiiska.
8. Amniga Doorashada :
Amniga doorashada waxaa mas’uul ka ah guudi ka kooban 9 qof, oo ay xubno ka yihiin
Taliyayaasha Booliska Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, iyo Taliyaha.
Booliska AMISOM. Taliyayaasha Booliska seddex ka mid ah dawladaha xubnaha ka ah
Federaalka waxaa magacaaba taliyaha booliska federaalka taas oo ka dhigaysa mid ku noqon karta caqabad fulinta heshiiska haddii aan si niyad sami ku dhisan loo maarayn.
Ugu danbayn fulinta heshiiskaan iyo ka gudubka caqabadaha ku xeeran waxaa sal u ah niyad sami, doonis dhabah iyo ku lamo joogtaha ah oo lagu xalinayo caqabadaha ku hor gudboon fulinta heshiiska.

WQ Guray Saciid