U bood dhigaalka

Carruur gaajo ugu geeriyootay degmada Buulo burde

Sheeko:War
Degmada Buulo Burde
Degmada Buulo Burde

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Caruur aad u da’ yar ay gaajo awgeed ugu geeriyootay degmada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan.

Dhimashada caruurtan ayaa timid xilli Buulo burde ay go’doosan tahay oo gaadiidka sahayda Magaalada u wada uusan gaarin sababo lagu sheegay in xarakada Al-Shabaab ay go’doomisay Buulo burde.

Caruurta geeriyootay ayaa u dhaxeeyay da’dooda 1-sano ilaa 2-sano waxaana ay u dhinteen gaajo, kadib markii aysan waxba cunin muddo dhan 14-cisho sida uu sheegay aabaha dhalay caruurtaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku tilmaamay xaalada Buulo burde mid aan wanaagsaneyn, maadaama buu yiri Al-Shabaab ay go’doomiyeen degmada.

Degmada Buulo burde ayaa ka mid ah degmooyinka ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, waxaana sahayda loogu geeyaa Diyaarado Helikopter ah.