Caruur gaajo ugu geeriyootay gobolka sh. hoose

Wararka ka imaanayo gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in xaalad adag oo bani’adanimo ay kajirto halkaas, iyadoo lasoo sheegayo dhimashada caruur barakacayaal ah.

Madaxa arimaha Samafalka ee Wasaarada Arimaha Gudaha ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegay in tiro caruur ah saacadihii la soo dhaafay gobolkaasi ay ugu geeriyoodeen ,  xaalado isbiirsaday oo dhinaca Nolosha ah awgood.

Masuulka Wasaarada u qaabilsan Samafalka Gobolkaas  Cabduqaadir Cabdulaahi Xaayow ayaa sheegay in Qoysaskii ku barakacay Dagaaladii ka dhacay Gobolkaasi hada ay wajaheen  xaalad uu ku sheegay in aan indhaha laga qarsan karin.

Xaayow  wuxuu sheegay in ay  Hay’adaha samafalka hor dhigi doonaan warbixin ku saaban xaalada Qoysaskaasi ay ku Nool yihiin si ayuu yiri gurmad loogu fidiyo.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW