U bood dhigaalka

Cawad Oo Aqalka Sare Kala Hadlay Wax Qabadka Iyo Caqabadaha Heysta Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad oo maanta hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa hadlay shaqada wasaaradda, kala horeynta xiriirka dalalka, caqabadaha hor-yaallo iyo wada-shaqeynta kala dhaxeysa aqalka sare.

Axmed Ciise Cawad, waxaa uu wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegay inay tahay kaabadda isku xirta Soomaaliya iyo caalamka, albaabka dalalka iyo hey’adaha dowliga ahi kasoo galaan dalka, kalana soo xiriiraan dowladda Soomaaliya, wasaaradda hagta safaaradaha, ergooyinka iyo qunsuliyadaha iyo inay si hab sami leh caalamka ugu bandhigto danaha Soomaaliya, si Soomaaliya ay u  kasbato saxiibo cusub, oo ay sidaas ku abuuraan maalgeshi iyo horumar.

Arrimaha kale uu wasiirku sheegay inay wasaaraddu qabato waxaa ka mid ah: xaqiijinta qaranimada dalka, gacan ka geysashada si deegaannada gobolku nabad u noqon lahaa, balaarinta baaxadda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo u khidmeynta muwadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool.

Mr. Cawad waxaa uu soo hadal-qaaday sida ay u kala horeeyaan ama u kala muhiimsan yihiin xiriirada, in laga bilaabo xoojinta xiriirka dalalka dariska ah iyo IGAD, waxaa xiga xoojinta xiriirka dalalka Afrika, sidoo kale xoojinta dalalka aan saxiibada dhow nahay sida Turkiga, Khaliijka, isaga oo intaasi raaciyey in wasaaradiisu ay xoogga saari-doonto xoojinta xiriirka Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda waxaa kale uu hadlay inay ku howlan yihiin dhismaha machadka tababarka diblomaasiyiinta oo ay Qatar maal-gelineyso, dhowrista hab maamuuska qaranka, dhaqan-gelinta sharciga sharciga arrimaha dibadda, dib u uruurinta iyo keydinta heshiisyada ay Soomaaliya qeyb ka tahay, casriyeynta xusuus dhowrka wasaarada, dardar-gelinta iyo sare u qaadista qalabka safaaradaha, tirakoobka hantida guurtada iyo ma guurtada ah ee wasaaradda ku leedahay dibadda, Passporada diblomaasiyiinta iyo midka shaqaalaha iyo arrimo kale.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad, waxaa uu ka sheekeeyey caqabada hor-yaallo wasaaradiisa sida: inay ku yar yihiin dad aqoon leh, miisaaniyadda oo ku yar, oo qaar safaaradaha ka mid ah aaney mushaar qaadan 9 bil.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad  mar uu ka hadlayey wada shaqeynta wasaaradda iyo aqalka sare waxaa uu sheegay in golaha marka laga soo tago kormeelka iyo sharci-dejinta inay mas’uuliyad ka saarantahay hubinta shaqada hey’adaha dowladda, inay jiraan sharciyadii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Goobjoog News