U bood dhigaalka

Ceelwaaq Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeynayo Doorashada Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT Jubbaland ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay magaalada Ceelwaaq ku qabtaan doorashada 5 kursi oo kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland.

Kuraasta maanta ceel waad lagu dooranayo ayaa kala ah HOP#125, HOP#131, HOP#123, HOP#122 iyo HOP#110, kuwaas oo qayb ka ah 16-kursi oo deegaan doorashadoodu tahay gobalka Gedo.

Waxaa kuraastaan u tartamaya musharixiinta kala ah :-

Hop125
Cabdirashiid Maxamed Ducaale
Maxamed Adan Xasan
Hop131
Axmed Cismaan Ibraahim ( Daqare)
Adan Gaarane Cabdullaahi
Hop123
Faadumo Faarax Aadan
Sacdiyo Cabdullaahi Shire
Hop122
Mursal Maxamed Khaliif
Cumar muxmumed Buulle
HOP110
Maxamed Muxumed Maxameed
Khadar Axmed Adan