Ciidamada Booliska Puntland Oo Lagu Wareejiyey Xarunta Golaha Wakiillada

Ciidama Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah waxaa ay ula wareegeen xarunta golaha wakiillada maamulkaas, oo maalmahaan ay ka taagneyd cabasho ay xildhibaannadu ka muujiyeen ilaadada xunta golaha.

Xildhibaannada ayaa ku andacooday in ciidamada ilaalada xarunta ay si gaar ah uga amar aqaataan goddomiye Cabdirashiid,  iyagoo ku eedeeyey guddoomiyaha inuu  ciidanka u istiocmaalo inuu ku caburiyo xildhibaannada.

Cabashaas ayaa waxaa ay keentay in ciidamado Boolis ah lagu wareejiyo xarunta golaha wakiillada Puntland ee Garowe, waxaana ay bedelayaan ciidamadii horey u joogay xarunta, iyagoo la wareehay ammaanka guud.

Ciidamadaan Booliska ee la geeyey xarunta ayaa waxaa  imaanaysaa xili lasoo warinayo inuu jiro khilaaf maalmihii dambe ay la hadal hayey inuu ka dhex jiray guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland iyo xildhibaannada qaar.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW