U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo isaga baxay deegaan hoostaga Gobalka Baay

Sheeko:Baarlamaanka

Wararka naga soo gaarayo deegaan hoostaga gobalka Baay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay isaga baxeen deegaanka Goofgaduud Buureeey.

Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay, ayaa lagu soo waramaya in ciidamada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ku sugnaayen balse maanta oo Jimca ah ay isaga baxeen.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa ka bixitaanka deegaanka ay ciidamada ka baxeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in gacan ku haynta deegaanka Goofgaduud Buureey ay hadda la wareegeen xubna ka tirsan ururka Al-shabaab.

Maamulkan Koonfur-galbeed iyo kan gobalka Baay weli kama hadlin ciidamada isaga baxay deegaanka Goofgaduud Buureey oo 30km u jira magaalada Baydhabo.

Goobjoog News