U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanno hoostaga Gobalka Baay

Sheeko:Baarlamaanka

Ciidamada xoogga dalka ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta deegaannada Daynuunaay iyo Moodo Moodo oo hoostaga gobalka Baay.

Hawlgalla qorsheysan oo ciidamada ay ka fuliyeen deegaannadaas ayaa looga saaray ururka alshabaab oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugna.

Deegaannadaan ayaa muhiim h ah isku socodka degmooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba.

Inta badan gobalada dalka ayaa waxaa ka socda dagaal ka dhan ah ururka alshabaab, kaas oo dhawrki bil ee lasoo dhaafay Alshabaab looga saaray gacan ku haynta deegaanna hoostaga gobalada Hiiraan, Galgaduud, Shabeellaha Dhexe, Bakool iyo Baay.

Goobjoog News