U bood dhigaalka

Ciidamo Daacad U Ah Dowladda Siiriya Oo Gudaha U Galay Magaalda Afrin

Sheeko:Caalamka

Ciidamo daacad u ah dowladda Siiriya ayaa gudaha u galay magaalada Afrin, oo ay gacanta ku hayaan kooxaha Kurdiyiinta, waxaana laga cabsi qabaa halkaasi in uu ka dhaco iska hor-imaad u dhaxeeya Turkiga iyo ciidamadani.

Wakaaladda wararka Siiriya ayaa sheegtay in ciidamada xoogagga shacabka ay u diri doonaan magaalada Afrin gurmad, si looga hortago weerar ay soo qaadaan ciidamada Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa waxa ay taageero siineysay tan iyo bishii la soo dhaafay mucaaradka hubeysan ee ku sugan gudaha Siiriya si ay dagaal ula galaan Kurdiyiinta ku sugan Afrin.

Turkiga ayaa uga digay xukuumadda Dimishq in ay taageero siiso Kurdiyiinta ku sugan Afrin.

Telefishinka qaranka Siiriya ayaa waxa uu baahiyey sawirro muujinaya ciidamo daacad u ah xukuumadda Siiriya in ay u diyaar garoobayaan in ay gudaha u galaan Afrin.

Dhanka kale warbaahinta raacsan kooxaha Kurdiyiinta iyo Xisbullahi ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada ay soo galeen Afrin, balse lama oga tirada ciidamadani iyo goobaha ay isku faafin doonaan.

Goobjoog News