U bood dhigaalka

Ciidan ka tirsan AMISOM oo la geynayo deegaanka Deefow

Sheeko:War

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha AMISOM ayaa Kulan ay maanta magaalada Beledweyne ku yeesheen isku afgartay in ciidanka Midowga Afrika la geeyo deegaankii shalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleed ee Deefow.
Maxamed Cismaan Cabdi, Guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne, ayaa sheegay in ciidanka AMISOM loo geynayo deegaanka si looga hor tago in uu mar kale dagaal beeleed ka dhaco halkaas.
Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay ku dhowaad 20 kalena way ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay Deefow oo ka billowday muran la xiriira dhul beereed.
Deegaanka Deefow wuxuu 39 km dhinaca waqooyi-galbeed uga beegan magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan.
Wararka Goobjoog