U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyay Leego, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgal amniga lagu xaqiijinayey ka sameeyeen deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha degaankaasi Abukar C/laahi Isaaq oo la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in ciidamada ay soo qabteen dad badan oo amni darro looga  shakiyey balse markii ay baareen kadib ay sii daayeen.

Ma aanu sheegin guddoomiyaha tirada dadka lagu qabtay howlgalkaan, balse wuxuu hoosta ka xarriiqay in howlgalkaan uu daba socdo howlgallo maalmahan dambe ay ciidamada dowladda ka wadeen deegaankaasi.

“Ciidamada ammaanka waxay ku guuleysteen iney sugaan amniga Leego, howlgalkii ugu dambeeyay ee xalay waxaa laga sameeyay degmada iyo sidoo kale deegaannada ku dhow dhow, waxaana lasoo qabtay dad amni darro looga shakiyey balse baaritaan kadib waa lasii daayay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ammaanka deegaanka Leego ee Shabellaha Hoose ayaa maalmihii ugu dambeeyay kasoo hagaagayey sidii hore, waxaana xilli walbo deegaankaasi howlgal ka sameeya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News