U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Deegaanka oo La Wareegay Deeggaanno Hoostaga Degmada Baxdo

Sheeko:War
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee isabaabulay oo muddooyinkaan howlgallo ka waday qeybo kamid Waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno hoostaga degmada Baxdo ee gobolkaas.
Deegaannadu ciidanka la wareegeen ayaa ah deeganno dhaca bariga degmada, howlgalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah sidoo kale dadka shacabka iyo Culimada degmada Baxdo oo dhowr jeer horey ula dagaalamay Al-shabaab.
Ciidanka ayaa la wareegay deegaannada kala ah: Maygaag Duub,Dhisaqa , Abooreey iyo kuwa kale, oo dhammaantood horey ay ugu sugnaayeen Al-shabaab, ciidanka ayaa si nabad galyo ah ku wareegay deegaannadaan.
Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay abaabul ka wadeen deegaanno dhaca Bariga iyo Waqooyiga Galgaduud, iyaga oo saacadihii ugu dambeeyay Al-shabaab kala wareegay deegaanno hor leh.
Holgalkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo  howlgallo si xowli ah ku socdaan  gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo daris ah, waxaana ay ku guuleysteen ciidanka in ay la wareegaan deegaanno badan oo horey Al-shabaab u joogeen.
Goobjoog News