U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Ka Warbiyay Howlgal Laga Sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Sheeko:War

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan oo ay fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan Tuulada Kili-Jiido oo hoostagta degaanka Jannaale, waxaa ay shegeen in ay ku dileen xubin ka tirsan Al-shabaab, iyaga sidoo kale sheegay in ay dhaawaceen 10 kale sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay waxaa ay dhanka kale xuseen in ay gacanta lagu   dhigay Saanad ciidan, waxaana ay intaas ku dareen in la  burrburiyay dhamaanba goobihii ay sugnaayeen dagaalmayaasha Al-shabaab, kadib dagaal muddo socday oo u dhaxeeyay labada dhinac ciidanka xoogga iyo Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay  in guud ahaan dalka oo dhan uu ka socdo howlgalo lagula dagaalamayo m Al-Shabaab, Isla marlaana ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga saarayo meelaha ay kaga suganyahiin dalka sida uu hadalka u dhigay Odawaa Yuusuf.

Hadalka kasoo baxay taliyaha ciidanka xoogga ayaa kusoo aadaya iyadoo howlgallo ay ka socdaan gobolka Hiiraan, kaas oo ay hoggaaminayaan guddoomiyaha gobolka xildhibaanno ka tirsan federalka,wasiirro iyo mas,uuliyiin kamid maamul goboleedka Hirshabeelle, iyagoo la wareegay deegaanno dhowr ah.

Goobjoog News