Cimilada Siyaasadeed ee Afrika: Sideen u Akhrinaynaa Xil-ka-tegista Isxigxigtay ee Madaxda “aan la loodin jirin”?

Afrika. Qaarad laga fidiyay in ay tusaale manhajeed u tahay dibudhaca iyo cawaannimada. Qaarad laga rumaysan yahay in ay summad u tahay saboolnimada iyo saqajaannimada. Qaarad laga faafiyay in aanay ka suuroobi karin ixtiraamidda doonista dadka iyo dimuqraaddiyaddu. Qaarad sidaas oo ay tahay haddana diyaar u ah in ay warxumatashiilkaa kaga naxsato dhacdooyin sida hillaaca isugu maray maskaxaha dadka daneeya sida ay Afrika wax uga socdaan.

Hoggaamiyihii Kacdoonka Ruushka, Vladamir Lennin, ayaa yidhi: “waxa jira tobaneeyo gu’ oo aanay waxba dhicin, iyo toddobaaddo ay dhacaan wixii tobaneeyada gu’ dhici lahaa!” Hadalka Lennin waxa uu si layaab leh ugu rumoobayaa Afrika. Waxa labo maalmood oo isku dhaw ku biqlay, kuna tarmay, dhacdooyin aan gu’yaal la sawiran karayn. Waxa xilka ka tegay madaxweynihii Koonfur Afrika, Jacob Zuma, oo xisbigiisa ANC ay ku qasbeen in uu jagada banneeyo; iyo Ra’iisal wasaarihii Itoobbiya, Xaylamaryam Desalegn, oo xaaladaha dalkiisu ku qasbeen in uu daaddego. Labada dhacdo madi ku ma aha isbeddellada xididka ah ee Afrika ka dhacayay, waxa se ay ugu danbeeyeen silsilad dhacdooyin ah oo innagu celinaysa kal hore, lagana yaabo in ay hordhac u ahaayeen dhacdooyin kuwan ka sii murugsan oo mustaqbalka dhaw soo fool yeesha.

Bishii August ee 2017 waxa xilka madaxweynannimada Angola banneeyay Eduardo dos Santos, oo ku sawirnaa kursiga muddo 40 gu’ ku dhaw. Muddo yar ka dib, bishii November ee isla gugaa waxa xilka in uu ka dego lagu qasbay madaxweynihii Zimbabwe, Robert Mugabe, oo isaguna xilka hayay wax aan ka yarayn intii uu Santos hayay. Bishii September ee 2017 Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa “waxbakamajiraan” ku tilmaamtay doorasho mar kale xilka loogu celiyay Uhuro Kenyatta. Tallaabada maxkamadda, oo ahayd mid aan looga baran Afrika, waxa lagu soo dhaweeyay dareenno kala jaadjaad ah. Waxa se laga sinnaa in tani ay ahayn dimuqraaddiyad baarkeedii u sarreeyay laga adeegsaday: in madaxweyne talada haya, oo natiijadu xaggiisa u janjeedhsantay loogu bushaareeyo in uu candhuuftiisa dib u liqo, doorashada wareeg labaad la galo, waxay ahayd dhiirranaan midda orgabaha ah!

Faahfaahin

Angola, oo aan weji cusub iyo waxqabad cusub toona arag muddo 38 gu’ ah, ayuu Santos ka hor leexday. Waxaana u beddelay doorasho uu ku soo baxay Joao Lourenco. Tani waxay u ahayd isbeddel siyaasadeed oo fudud, waayo waxa la rumaysan yahay in Lourenco aanu wax sidaas ah ka siyaasad duwanayn Santos oo uu u ahaa wasiirkiisa Wasaaradda Gaashaandhigga. Ugu yaraan se, sida lagu han weynaa, waxa wax loo dhigaa jirin dadka reer Angolana aad uga riyaaqisay in ay markhaati u noqdeen in doonista dadku eryi karto siyaasigii ay sannifto; oo oday Santos indhaha ayaa ku batay, waana uu ka tegay xilka markii diidmada dadweynuhu ka dhinmi weyday.

Madaxweyne Mugabe, oo 37 gu’ xilka Zimbabwe hayay, wuxuu ciidanka qalabka sida kala kulmay cadaadis iyo wax lagu tilmaami karayay “afgenbi lexjeclo”, oo waxay af cad ugu sheegeen, inta ay la wareegeen caasimadda iyo warbaahinta dawladdaba, in uu si sharaf leh xilka u banneeyo. Waxa la odhan karaa lexjeclo ayay u muujiyeen odayga 90 jirka kor u dhaafay. Taasi waxay aakhirkii keentay in Mugabe uu ku dhawaaqo xil-ka-tegistiisa. Kuxigeenkiisii Mnangagwa, ayaa loo dhaariyay madaxweynannimada. Waxaana la filayaa in muddo kooban doorasho uu ku qaban doono. Taasi waxay Zimbabwe siinaysaa fursad ay ku dooran karaan jihada ay rabaan, iyaga oo isbeddel siyaasadeed tiigsanaya.

Dunida kale oo u dabbaaldegaysa Maalinta Jacaylka Adduunka, Feb 14, ayuu madaxweynihii Koonfur Afrika ku dhawaaqay in uu u hoggaansamay doonista xisbiga African National Congress (ANC), oo amray madaxweynaha in uu jagada banneeyo inta aan xilka laga xayuubin. Zuma, oo loo haystay eedo musuqmaasuq iyo in uu la xidhay qoyska galaangalka badan ee Gubta, ayaa wax uu is adkeeyaba ka tegay madaxweynannimada dalkaa oo uu soo hayay celcelis ahaan 10 gu’. Waxaana beddelay Cyril Ramaphosa, oo bishii December ee 2017 loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga ANC.

Itoobbiya: Xaalad Gaar ah!

Degganaanshaha Itoobbiya waxa soo wajahay mahubanti badan tan iyo 2015, markii xukuumaddu ku dhawaaqday ballaadhinta magaalamadaxda Addis Ababa. Tallaabadaasi waxay ka xanaajisay qawmiyadda Oromada, oo ah qawmiyadda ugu badan dalka 100-ka milyan ee qof ka badan. Oromadu waxay tallaabadan u arkaysay mid lagu duudsiyayo deegaannadooda ab-ka-ab ay u lahaayeen ee caasimadda ku xeeran. Kacdoonnada shacabka Oromada waxa shiidaaliyay gedoodka Amxaarada, oo iyagu halkaa ka arkay fursad ay ku muujisan karaan cuqdadda aan dhammaan ee ay u hayaan qawmiyadda Tigreega oo ay rumaysan yihiin in ay rideen taliskoodii. Oromada iyo Amxaaradu waa labada qawmiyadood ee Itoobbiya ugu badan, waxaanay keligood waddanka ka yihiin 40% wax ka badan. Kumanaan qof ayaa la xidhay, qaar badanna waa la dilay. Waxa dhawr jeer isku dhacay qawmiyadda Oromada iyo Soomaalida, waxaana taasi saamaysay isusocodka labada qawmiyadood, iyo qaadkii iyo khudraddii iman jiray dhulka ka baxsan Itoobbiya, siiba Soomaalilaan.

Dedaal dheer ka dib, waxa xukuumadda Addis ay ku dhawaaqday in maxaabiis aad u badan la sii dayn doono. Bishii January ee 2018 ayuu ra’iisal wasaaruhu go’aankan loomafadhiyaanka ah ku dhawaaqay, durbadiibana wax weyn ayaa ka fulay. Hoggaamiyayaal mucaarad oo Oromo ah iyo weriyayaal qaarkood lix gu’ xidhnaayeen ayaa oodda laga soo qaaday. Dhanka kale, waxa dalka Kenya ka furmay wadahadal afar cisho soconayay, oo u dhexeeyay jabhadda ONLF iyo xukuumadda Itoobbiya. Wadahadalka oo soo dhammaaday Feb 15, in kasta oo aanay ka soo bixin wax natiijo ah oo xusid mudani, haddana waxa loo arkayay iskudday ay Addis Ababa ku rabto iskayaraynta daadadka ku furan.

Waxaas oo dedaal ahi ma ay noqon dhiigjoojin. Tirada dad ee dhintay tan iyo 2015 intii rabshaduhu bilawdeen, waxa uu ra’iisal wasaaraha Itoobbiya ku sheegay 500 oo qof, balse hay’adda Human Rights Watch ayaa taa ku diidday, oo waxay gaadhsiisay ilaa 1000 qof. Laba-gooraalaba, khasaaruhu wuu badnaa. Eedaha iyo tuhunnada caalamiga ahina sida roobka ayay u hayeen caasimadda iskeed u radsan ee Addis Ababa. Tusaale ahaan, bilihii June iyo August ee 2017, Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku waxay muwaaddiniinteeda si isxigxigta uga digtay in ay cagta ku badiyaan Itoobbiyada “halista ah!”

Markii uu ka dabbaalan kari waayay hirarkaa siyaasadeed ee aadka u culus, waxa uu ra’iisal wasaare Desalegn si lamafilaan ah ugu dhawaaqay in uu ka tegayo guddoomiyannimadii xisbiga talada haya iyo jagadii ra’iisal wasaarannimaba. Waxa uuna rejeeyay in tallaabadani wax ka tari karto dejinta xaaladda.

Ra’iisal wasaaruhu wuxuu guddoomiye u ahaa urur goboleedka IGAD, oo ay ku midoobeen dalalka Geeska Afrika. Ururka IGAD wuxuu magaalada Addis Ababa ku hagayay wadahadallada dhinacyada isku horfadhiya siyaasadda Koonfurta Suudaan. Waxa la rumaysan yahay in tegista Desalegn keeni doonto saamayn, balse la ma malayn karo inta ay le’akaan karto eeshaasi.

Maxaa Casharro ah?

Ugu horrayn, waxa si kasta dhacdooyinkani inoogu muujiyeen xilgudasha-la’aanta xalkeedu in uu yahay xilka oo la banneeyo, dabadeedna la isla xisaabtamo. Dhammaan dhacdooyinkani waxay inoo muujiyeen in mas’uuliyaanka Afrikaanka ahi barteen muhiimadda ay leedahay in dadka awooddooda loo soo celiyo haddii la maarayn kari waayo. Madaxweyne Soomaali ah oo xilka u banneeyay hawshii oo uu qaban kari waayay waxa la diiwaangeliyay Cabdillaahi Yuusuf, oo madaxweynannimada Soomaaliya banneeyay gu’gii 2008 ka dib markii, sida uu sheegay, uu ku fashilmay in uu guto xilkiisa. Waa arrin ku adag dubaaqa qofka siyaasiga ah, ee aan fahansanayn micnaha siyaasadda iyo dawladnimada, in uu xilka banneeyo haddii uu ku fashilmo ama uu sii wadi kari waayo. Taa beddelkeeda, waxa la yaqaan in uu isku sii adkeeyo, jeer oo uu si qaabdaran ugu qasbanaado in uu ku tago, sida Robert Mugabe.

Arrinta Koonfur Afrika wax dheeraad ah ayay ina baraysaa. Waxay si cad inoo tusisay muhiimadda ay leedahay ‘xisbinnimadu’. In xisbiga ANC uu ku qasbo madaxweynihii dalku in uu isu casilo si loo dhawro sumcadda xisbinnimadu waxay ka turjumaysaa sida qalbiyada xubnaha xisbigaa ay ugu weyn tahay mudnaanta ay xisbinnimada u leedahay hannaanka dimuqraaddiyadda iyo dawladnimadaba. Haddii xisbigu ahaan lahaa ‘hanti qofeed’ oo u faruuryaxidhan rabitaankiisa gaarka ah, waxa segegernimo ahaan lahayd in isbeddel iyo wanaajin la fisho.

Qodobka saddexaad, ee isaguna muhimka ahi, waa dhadhanka ay leedahay caddaaladdu. Maxkamadda Kenya ee go’aanka “waallida” lagu tilmaamay riddayna, waxay ina baraysaa awoodda uu yeelan karo garsoor madaxbannaanaadaa. Hannaanka xaqsoorka ee dal haddii u rahman yahay cid gaar ah, waxa la hubaa in nolosha waddankaasi qirinqiir ku jirto, oo dawladnimdooduna ciin daaqayso. Sidaa darteed, waxa muhiim ah in lagu baraarugsanaado xorriyad la siiyo nidaamka garsoorka, si loo helo sharci sarreeya iyo caddaalad tanaadda.

Gebagebo

La ma garan karo waxa ku xigaya dhacdooyinka sida indhadaraandarka ah isugu xigxigay, waayo wax kastaa qaacido la’aan ayay dhacayeen. Balse waxa hubaal ah in ay bigil bushaaro u yeedhiyeen sawirka guud ee qaaradda Afrika. Iskuxidhnaanta ay isku xidhan yihiin ixtiraamka loo muujiyo doonista dadka, iyo hufnaanta xilhayntu wuxuu daruuri noqonayaa marka la doonayo in laga baaqsado soolaabashada sheekooyin sida kuwan ah. Cimilada siyaasadeed ee Afrikana waxa hadheeyay iminka daruuraha sida roobka dhibcaha kulkulul ee “aaya-ka-tashiga” la dhaho. Aayahaa in laga tashado lagu baraarugayaana, wuxuu galaafan doonaa talisyo ku raagay xilka, indhaha dadweynahana ku batay, guhaaddooda ma ogi e aanay waxtarkooduna badnayn. Kuwee? Goorma? Waa halkii Lennin e, “waxa jira tobaneeyo gu’ oo aanay waxba dhicin, iyo toddobaaddo ay dhacaan wixii tobaneeyada gu’ dhici lahaa!”

W/Q: Cabdicasiis M Guudcade