U bood dhigaalka

Cirfo oo ku baaqay joojinta dagaalka Caabudwaaq

Sheeko:War
Guddoomiyaha gobolka Galguduud Xeseen Cali Wehliye Cirfo
Guddoomiyaha gobolka Galguduud Xeseen Cali Wehliye Cirfo

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo Colaadda iyo dagaallada dib uga bilowday Gobolkaasi.

Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ah Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka ka dhacay degmada Caabudwaaq ee Gobolkaasi, waxaana uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka dhinacyada hubeysan ku dhex maraya degmada caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa xusay in wafdi isugu jira Xildhibaano,Ganacsato iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolkaasi ay goor dhow ku wajahan yihiin degmada Caabudwaaq si wax looga qabto dagaalka u dhexeeya beelaha hubeysan ee ku sugan degmadaasi.

Nabadoonada ku sugan gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka soo cusboonaaday Cabuudwaaq.