U bood dhigaalka

Cirfo oo ku baaqay joojinta dagaallo ka soo cusboonaaday gobolka Galgaduud

Sheeko:War
Cirfo
Guddoomiyaha gobolka Galguduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo

Guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaal beeleedka dib uga soo cusboonaaday gobolkaasi.

Xuseen Cali Weheliye Cirfo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda beelaha dagaalamaya ay u istaagaan joojinta colaada dib uga bilaabatay gobolka, gaar ahaan deegaanka “Dhaban dhul ku heys” oo dhacda duleedka degmada Dhuusa mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Shalay ayay ahayd markii labo nin oo xoolo dhaqato ah aano qabiil loogu dilay duleedka dagmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dilkan ayaa ka dhacay deegaanka “Dhaban Dhul ku heys” oo ilaa 35 km u jirta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamay gobolka in ay dhowraan xurmada bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay wada hadal ku xaliyaan khilaafkooda.

Wararka Goobjoog news